Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey dagaal culus ku qaadeen degmada Afmadow ee gobalka Jubbada hoose halkaasi oo ay ku suganyihiin ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbo-land.
Dagaalkan waxey sigaar ah ciidamada Mujaahidiinta ugu qaadeen saldhiga iyo xarunta maamulka degmada, Labadaasi goob oo fariisin u ah maleeshiyaatka maamulka Murtad Axmed Madoobe.
Dagaalkan waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, Iyadoo dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay xaafadaha degmada iyo deegaanada hoosyimaada.
Maleeshiyaatka Murtadiinta Jubbo-land ayaa dagaalka markii muddo uu socday isaga cararay Labadan goobood ee lagu weeraray, Waxaa jirta khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaartay maleeshiyaatka Axmed Madoobe.
Dagaalkan ayaa kusoo aadaya xilli Saacadihii lasoo dhaafay qarax ka dhacay duleedka degmada Afgooye ee Wilaayada Shabeelada hoose dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen Shan iyo Toban askari oo ah kuwa dowladda Ridada federaalka gaar ahaan maleeshiyaat dhawaan tababar kusoo dhameystay dalka Turkiga.
Calamada.com