Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo Maleeshiyaatka Dowladda Federaalka ayaa ka dhacay Gudaha Magaaladan Muqdisho ee ah Caasimadda Dalka Somalia.
Dagaalkan waxey Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin si gaar ah ugu qaadeen Xero Tolmo ee ku taala degmada Hodan, Waxaa dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan iyadoo dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay Xaafadaha kala duwan ee Magaaladan Muqdisho.
Dagaalkan ayaa sababay Khasaara kala duwan oo soo gaartay Maleeshiyaatka Dowladda Ridaa Federaalka ee ku sugan Xerada.
Waxa uu dagaalkan kusoo aadayaa Xilli uu sii kordhaya Khasaaraha Dowladda Federaalka kasoo gaartay Duqeyn loo adeegsaday Madaafiic oo Labo Maalin ka hor Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay la beegsadeen Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.
Duqeyntaasi waxaa xubnaha ku dhintay ka mid ah Sarkaal sare oo ka tirsan Booliska Dowladda Federaalka, Iyadoo Madaafiicda intooda badan ay ku dhaceen Safaarada Itoobiya oo ku dhex taala Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.