Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Dagaal Khasaare Dhaliyay Oo Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo.
  • Allposts
  • Warar

Dagaal Khasaare Dhaliyay Oo Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo.

January 19, 2025

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ka billowday dagaal xooggan oo u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed, kaasi oo is haystay labada qayb ee ay ka kooban tahay magaaladaasi.

Dagaalka oo ahaa mid ay hurinayeen maamullada ashahaada la dirirka ah ee Puntland iyo Galmudug, ayaa kasoo billowday waqooyiga Gaalkacyo, waxay na dhinacyadu isla soo galeen goor dambe qaybta koonfureed ee magaalada.

Maleeshiyada ku dagaallamayay magaalada Gaalkacyo oo ah magaalo wayn ayaa adeegsanayay hubka noocyadiisa kala duwan, dhawaqa hubkan ayaa si wayn looga maqlayay xaafadaha kala duwan ee magaalada.

Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay Gaalkacyo oo loo soo rararay dagaal beeleedyada ay maamullada ashahaada la dirirka ah ka hurinayeen miyiga gobolka Mudug.

Ilo wareedyo ayaa soo sheegaya in dagaalkii xalay ka dhacay Gaalkacyo ee kasoo billowday waqooyiga magaalada Gaalkacyo uu gaaray dhanka koonfur, mid ka mid ah maleeshiyada dagaallamaya ayaa weeraray saldhig booliis oo ay leeyihiin maleeshiyada maamul goboleedka ashahada la dirirka Galmudug oo kuyaal Koonfurta magaalada.

Khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo wariyay in labada maleeshiyo ee dagaallamay uu kasoo kala gaaray dagaalka, sida ay sheegeen ilo wareedyo dadka deegaanka ah.
Dagaalkan xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa daba socda dagaallo culus oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday gobolka Mudug, una dhaxeeyay beelo walaalo ah, isla markaana ay hubka isugu dhiibeen maamulladda kala ah Puntland iyo Galmudug, waxaana dagaallada qaar lasoo wariyay inay ka qayb qaadanayeen maleeshiyaadka labada maamul oo sii hurinayay colaadda beelaha walaalaha ah.

Waxay tani u muuqataa mid maamullada ashahaada la dirirka ah ee gaaladu ka dhisatay gbollada dalka ay magaalooyinka ugu soo rarayaan dagaallada u dhaxeeya beelaha walaalaha ah, 9 cisho ka hor ayay ahayd markii dagaallo lagu hoobtay oo u dhaxeeyay beelo walaalo ah, isla markaana ay hurinayeen maamullada Riddada ah ay ka dhaceen inta u dhaxaysa degaannada Jiicboor iyo saax-qurun ee galbeedka Mudug, halkaas oo lagu dilay ugu yaraan 15 ruux, halka lagu dhaawacay tiro intaas ka badan.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -19-07-1446-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -19-07-1446 Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -21-Ramadaan-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -21-Ramadaan-1447-Hijri

March 10, 2026
Ciidamo Katirsan Imaaraatka Carabta Oo Shil Diyaaradeed Ku Dhintay.
  • Allposts
  • Warar

Ciidamo Katirsan Imaaraatka Carabta Oo Shil Diyaaradeed Ku Dhintay.

March 10, 2026
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 21-09-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 21-09-1447-Hijri.

March 10, 2026

Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026
Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.

January 14, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.

January 13, 2026
Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 12, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 10, 2026
Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.

January 9, 2026
Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.

January 5, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada