Dagaal culus oo u dhaxeeyay maleeshiyo ka wada tirsan murtadiinta, ayaa maanta ka dhacay duleedka degmada Warsheekh ee Sh/dhexe, halkaas oo muddooyinkii dambe laga soo calaamadiyay isku dhacyo hubeysan oo sababay dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalka maanta dhacay, ayaa si gaar ah u dhexmaray maleeshiyo uu watay xildhibaan murtad ah oo lagu magacaabo Cismaan Xaadoole iyo maleeshiyo kale oo uu watay goddoomiye ku xigeenka maamulka Riddada ee degmada Warsheekh.
Guddoomiye ku xigeenka maamulka Riddada Hirshabeelle ugu magacaaban degmada Warsheekh, murtad Hiraabe Maxamed Maxamuud (Jookaay), ayaa waraysi uu bixiyay ku sheegay in Xaadoole uu Warsheekh kusoo weeraray 5 Tikniko, iskana dhiciyeen.
Ilo wareedyo, ayaa sheegaya in dagaalka uu salka ku hayo arrimo dhuleed oo dhinacyadu isku hayaan, sidoo kale waxay saraakiishan isku haystaan isbaarooyinka daadsan duleedka degmada Warsheekh ee Sh/dhexe oo aad loogu dhibo dadka musaafurka.
Dagaalkan maanta dhacay, ayaa kusoo beegmaya xilli dagaal dhowaan ka dhacay isla Warsheekh aaggeeda lagu dilay Muuse Xaadoole oo la dhashay xildhibaanka maanta maleeshiyadiisa lagu eedeeyay weerarka ka dhacay duleedka Warsheekh.