Maalinkii shan iyo tobanaad waxaa mandiqada bariga dhexe kasocda dagaalka udhaxeeya Maraykanka iyo maamulka Yahuuda oo dhinac ah iyo dowlada Iiraan.
Duqeymo aad uxoogan ayaa kasocda magaalooyinka waaweyn ee Iiraan iyadoo barqadii maanta qaraxyo aad uxoogan laga maqlay magaaalada Tabriiz halka Dahraan ay sidookale martigalinayso weerarada ay ay fulinayaan diyaaradaha dagaalka.
Ciidamada Maraykanka ayaa saacadihii lasoo dhaafay duqeyn ku qaaday jaziirada Kharg oo ay ku yaalla ceekasha ugu badan ee shidaalka laga soo saaro ee dalka ee iraan.
Taliska ciidanka Yahuuda ayaa dhankiisa ku dhawaaqay in saacadihii lasoo dhaafya ay weerareen 150 hadaf oo ku yaalla gudaha Iiraan.
Dhankeeda xukumada Dahraan ayaa sii wada weerarada ay ku beegsanayso magaalooyinka ay Yahuudu ixtilaalka ku haystaan ee dhulka Filistiin iyo masaalixda Maraykanka ee wadamada Khaliijka.
Magaalada Talaabiib ayaa waxaa ku hoobtay sawaarikh xanbaara madaxyo farabadan kuwaas oo khasaare xoogan ugeestay dhismayaal sida lagu arki karo muuqaallo lagu faafiyay mareegaha Internetka.
Dhanka Lubanaan maleeshiyaatka isugu yeeray Xisbullaah ayaa sii wada weerarada ay ku beegsanayaan deegaanada xooga ay ku haystaan dadka Yahuuda ah ee dhaca waqooyiga dhulka Filistiin, iyadoo sawaarikh farabadan lagu garaacay deegaanada dhaca mandiqada Al-Jaliil oo laga daadgureeyay booqlala kun oo sahaayino ah.
Dhankiisa afhayeenka ciidanka dowlada Iiraan ayaa shir jaraa’id uuqabtay ku sheegay in ay waxyeello xoogan gaarsiiyeen oo shaqada ka saareen markabka diyaaradaha xanbaara Abraham Lincoln isaga oo la hadlayay ciiamada iyo hogaamiyaasha dowladaha khaliijka ayuuna sheegay in ay tahay inaysan ku kadsoomin awooda Maraykanka oo ay Wanshitong xiligaan awoodi la’dahay in ay ciidankeeda iyo masaalixdeeda difaacato.