Dagaalka ka socda ismaamulka Axmaarada ee u dhaxeeya ciidamada Abiy ka amar qaata iyo maleeshiyada jabhadda mucaaradka ah ee Fano, ayaa lasoo wariyay in uu saameyn wayn ku yeeshay waxbarashada gobolkaasi.
Malaayiin arday ah oo wax ka dhigan jiray iskuulaadka ismaamulka Amhara ayaa lasoo wariyay inay waxbarashada ka tageen, kuwaas oo aan gabi ahaan fariisan sannad-dugsiyeedka cusub.
Mulunesh Dessie, oo ah madaxa xafiiska waxbarashada ee ismaamulka, ayaa shaaca ka qaaday in tirada ardayda sannadkan iska soo diiwaan galisay guud ahaan gobolka ay ka yar yihiin saddex milyan oo ruux.
Waxay timaantay inay jiraan in ka badan ilaa afar milyan oo arday oo ku nool ismaamulka Axmaarada, kuwaas oo aan weli kusoo laaban waxbarashada, ilo kale oo laga helayo gobolka ayaa tilmaamaya in BahirDar oo xarun goboleed u ah ismaamulkaasi ay ka jiraan dugsiyo haawanaya oo aan waxba laga baran. Halka sidoo kale ay magaaladaasi ku suganyihiin arday aan weli is-diiwaangelin sanad dugsiyeedka cusub.
Arrimahan ayaa lala xiriiriyay xaalada dagaal ee uu gobolku ku sugan yahay labadii sano ee la soo dhaafay, halkaas oo ay ku dagaallamayaan ciidamada Fano ee mucaaradka ah iyo kuwa millatariga dowladda.
Taliyaha ciidamada millatariga dowladda Itoobiya ayaa horay u sheegay in inka badan 90 boqolkiiba la baabi’iyay maleeshiyada jabhadda Fano, balse sheegashadaas waxaa ganafka ku dhufatay Fano oo sheegtay inay guulo la taaban karo ka gaareen deegaano badan oo ka tirsan gobolka, sidoo kale waxay intaas ku dareen in inta badan gobolka si gaar ahna dhulka miyiga ah ay iyagu gacanta ku hayaan.