Maalinkii 24 oo xiriir ah mandiqada loo bixiyay bariga dhexe ayaa wajahaysa dagaalka udhaxeeya dowlada Maraykanka iyo maamulka Yahuuda oo isku dhinac ah iyo dowlada Iiraan iyo xulafadeeda.
Xukumada Dahraan ayaa weeraro loo adeegsanayo sawaariikhda ridada dheer ku weerartay magaalooyinka Yahuuda xooga ku hytaan ee dhaca bartmaha dhulka Filistiin.
Magaalada Talaabiib sawaarikhda ayaa ku dhacay sagaal xarumood, iyadoo dhanka kale wasaarada caafimaadka sahaayinada ay sheegtay in cisbtaallada ay yaallan inkabadan afar kun oo dhaawacyo ah.
Dhanka kale bayaan kasoo baxay ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan ayaa lagu sheegay in hadii la beegsado xarumaha tamarta ee wadankooda ay iyagana qaadi doonaan kuwa lamid ah.
Waxay ku dhawaaqen in markaasi ay weerari doonaan shirkadaha korontada Yahuuda iyo kuwas mandiqada ee korontada siiya saldhigyada ciidamada Maraykanka.
Marin biyoodka Hurmuz ayaa sidookale wali xiran, iyadoo ay ka gudbi la’yihiin Maraakiibta dowladaha reer Galbeedka, halka Maraykanka uu ku hanjabayo in xoog uu ku furi doonno.
Kadib markii uu dagaalka dabadheeraaday ayuu madaxweynaha Maraykanka raadinaya fursad uu uga baxsado dagaalka, iyadoo dhanka kale Yahuudu ay ku cadaadinayaan in lasoo wado duqeynaha lagu beegsanayo Iiraan.