Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Dagaallada Ka Socda Koongo Oo Saameyn Ku Yeeshay Ganacsatada Soomaalida.
  • Allposts
  • Warar

Dagaallada Ka Socda Koongo Oo Saameyn Ku Yeeshay Ganacsatada Soomaalida.

January 29, 2025

Dagaalka culus oo u dhexeeya kooxda fallaagada M23 iyo ciidamada dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ayaa qal qal galiyay nolosha iyo ganacsiga magaalada Goma ee dhacda bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah Koongo .

Sida ay wararku sheegayaan colaadda ayaa gallaafatay nolosha inkabadan 100 qof iyadoo ay ku dhaawacmeen in ka badan 300 halka kumannaan qof, oo ay ku jiraan ganacsato Soomaaliyeed ay ku qasbanaadeen in ay guryahooda ku xanibmaan. Magaalada Gooma oo ah xarun ganacsi oo muhiim ah ayaa hadda wajahaysa xaalad bini’aadannimo oo aad u daran.

Boqolaal ganacsato soomaaliyeed ah ayaa ku go’doonsan xaafadaha isku raranka ah ee magaalada Gooma waxayna ka baqayaan in ladilo ama laxiro haddii ay banaanka usoo baxaan, dhammaan waddooyinka magaalada ayaa lagu arkayaa dagaalyahannada mucaaradka iyo ciidamada dowladda oo dagaallamaya.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ay meydad farabadan daadsanyihiin waddooyinka islamarkaana ay isbitaalladu buuxsameen, mid kamida ganacsatada soomaalida ee bariga Koongo ayaa warbaahinta usheegay in ay hakad ku jiraan dhammaan xarumaha ganacsiga ayna ka baqayaan in hantidooda laboobo haddii ay dagaalladu sii socdaan.

Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan Goma ayaa si gaar ah u dareemaya saameynta dagaalka. Qaar badan ayaa lagu khasbay inay joojiyaan ganacsigooda oo ay gabaad galaan maadaama rabshaduhu sii xoogaysteen.

Magaalada Gooma waxaa ku nool bulsho yar oo Soomaaliyeed oo ka shaqeysa ganacsiga shidaalka iyo dhoofinta badeecadaha.
“Ganacsigeennu wuxuu ku tiirsan yahay ganacsiga shidaalka, balse hadda wax walba waa joogsadeen,” ayuu yiri Zubeyr Xaaji , oo ah ganacsade Soomaaliyeed oo la hadlay qar ka mid ah warbaahinta ku hadasha afka soomaaliga.

Wuxuu intaas ku daray in fallaagada M23 ay gudaha u galeen magaalada ka dib markii ay ciidanka koongo ay dib uga gurteen jiidda dagaalka, halka kuwo kale ay dagaal la galeen kooxdan. Inkastoo ganacsatadu ay wajahayaan dhibaatooyin badan hadane Zubeyr wuxuu xusay in aysan jirin wax weerar ah oo si gaar ah loola beegsaday dadka Soomaaliyeed.

Soomaalida ku dhaqan bariga dalka Koongo ayaa leh hanti lagu qiyaaso boqolaal Malyan oo dollar badankoodna waxay ka ganacsadaan shidaalka oo ay isaga kala gudbiyaan dalalka harooyinka afrika waxaase jira soomaali xoogsada oo shaqeysta dheemanta uu dalkani hodonka ku yahay.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -29-07-1446 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -29-07-1446 Hijri.

Related Stories

Wasiir Ka Tirsan ‘K/galbeed’ Oo Sheegay In Muqdisho Laga Abaabulayo Kacdoon Ka Dhan Ah Maamulkooda.
  • Allposts
  • Warar

Wasiir Ka Tirsan ‘K/galbeed’ Oo Sheegay In Muqdisho Laga Abaabulayo Kacdoon Ka Dhan Ah Maamulkooda.

May 11, 2025
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -14-11-1446-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -14-11-1446-Hijri.

May 11, 2025
Dhagayso Maleeshiyada Danab Oo Dad Shacab Ah Ku Dhaawacay Duleedka Afgooye.
  • Allposts
  • Warar

Dhagayso Maleeshiyada Danab Oo Dad Shacab Ah Ku Dhaawacay Duleedka Afgooye.

May 11, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 7aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 7aad)

May 11, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 6aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 6aad)

May 10, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 5aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 5aad)

May 8, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 4aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 4aad)

May 6, 2025

Sawirro

Weerar Askar Badan Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Burkiina Faaso.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Weerar Askar Badan Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Burkiina Faaso.

April 29, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Saldhiggii Iyo Garoonka Wargaadhi.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Saldhiggii Iyo Garoonka Wargaadhi.

April 24, 2025
Daawo Sawirrada: Mujaahidiinta oo Ku sugan Deegaanka Yaasooman.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada: Mujaahidiinta oo Ku sugan Deegaanka Yaasooman.

April 17, 2025
Daawo Qaybta Labaad Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Aadan-yabaal.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Qaybta Labaad Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Aadan-yabaal.

April 16, 2025
Daawo Muuqaalka Weerarkii Lagula Wareegay Degmada Masaajid Cali-gaduud.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Muuqaalka Weerarkii Lagula Wareegay Degmada Masaajid Cali-gaduud.

April 16, 2025
Daawo Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Aadan-yabaal Iyo Mubaax Oo Gacanta Lagu Dhigay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Aadan-yabaal Iyo Mubaax Oo Gacanta Lagu Dhigay.

April 16, 2025
Mujaahidiinta Oo Maalintii 4-aad Gacan Ku Haya Aboorrey Iyo Askar Maanta Lagu Dilay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Mujaahidiinta Oo Maalintii 4-aad Gacan Ku Haya Aboorrey Iyo Askar Maanta Lagu Dilay.

April 10, 2025
Ku Dhawaad 20 Askari Oo Lagu Dilay Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Afgooye+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Ku Dhawaad 20 Askari Oo Lagu Dilay Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Afgooye+Sawirro.

April 1, 2025
Weerar 8 Askari Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Duleedka Dhuusamareeb+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Weerar 8 Askari Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Duleedka Dhuusamareeb+Sawirro.

March 31, 2025
Daawo+Dhagayso: Hidaha Iyo Dhaqanka Soomaalida Degmada Jilib Jubbada Dhexe.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo+Dhagayso: Hidaha Iyo Dhaqanka Soomaalida Degmada Jilib Jubbada Dhexe.

March 30, 2025
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Hiiraan, Baay Iyo Bakool.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Hiiraan, Baay Iyo Bakool.

March 30, 2025
Daawo Sida Looga Debaal-degay Munaasabadda Ciidda Jubbada Hoose Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Debaal-degay Munaasabadda Ciidda Jubbada Hoose Iyo Gedo.

March 30, 2025
Daawo Degmada Awdheegle Iyo Magaalada Kuunya-barrow Oo Si Cajiib Ah Looga Ciiday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Degmada Awdheegle Iyo Magaalada Kuunya-barrow Oo Si Cajiib Ah Looga Ciiday.

March 30, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada