Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Dagaallo Ba’an Oo Lagu Laayay Ciidanka Xabashida Itoobiya Oo Ka Dhacay Gonder.
  • Allposts
  • Warar

Dagaallo Ba’an Oo Lagu Laayay Ciidanka Xabashida Itoobiya Oo Ka Dhacay Gonder.

June 30, 2025

Dagaallo culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa maalmihii u dambeeyey ka socday deegaano badan oo hoos-taga gobolka Amxaarada, kuwaas oo u dhexeeya ciidanka dowladda Saliibiyadda Itoobiya iyo maleeshiyaadka Fano.

Ugu yaraan 16 askari oo ka tirsan ciidanka dowladda ayaa la dilay, halka 8 kalena lagu dhaawacay, kadib iska horimaad xoogan oo ka dhacay magaalada Gonder. Sidoo kale, wararka qaar waxay sheegayaan in saraakiil ka tirsan xisbiga talada haya ee uu hoggaamiyo Abiy Axmed lagu dilay magaalo hoos timaadda ismaamulka waqooyiga Gonder, sida ay baahisay warbaahinta Ethio News.

Jabhadda Fano ayaa sheegatay in dagaalladaasi ay kusoo furteen hub aad u badan, iyadoo sidoo kale dagaallo kale oo xooggan laga soo tabinayo bartamaha iyo koonfurta magaalada Gonder, halkaas oo ciidanka dowladda Xabashida Itoobiya ay maalmo kahor ka bilaabeen guluf ciidan oo ballaaran.

Wararka kale la helayo ayaa tilmaamaya in dagaalladaasi ay sabab u noqdeen dib-u-dhac weyn oo ku yimid dadaalladii siyaasadeed ee dowladda federaalku ay ka wadday gobolka Amxaarada, gaar ahaan magaalada Gonder, kadib hawlgal qorshaysan oo ay fulisay Jabhadda Faano, sida ay sheegayaan ilo maxalli ah oo ay soo xigatay warbaahinta gudaha.

Duullimaadyadii shirkadda Ethiopian Airlines ee u kala gooshi jiray deegaannadaasi ayaa la hakiyay, iyadoo sidoo kale ay xirantay waddada isku xirta Gonder iyo Bahir Dar, gaar ahaan labadii maalmood ee u dambeeyey, sababo la xiriira dagaallada sii xoogeysanaya.

Deegaannada waqooyiga Wollo, Laasta iyo Kobo oo dhammaantood ka tirsan gobolka Amxaarada ayaa waxaa ka socda dagaallo u dhexeeya ciidanka dowladda iyo kooxaha mucaaradka. sidoo kale, dagaallo culus ayaa ka dhacay gobolka Gojjam, halkaas oo la sheegay in saddex maalmood oo xiriir ah lagu dagaallamay ugu yaraan 11 aag oo kala duwan.

Asrest Mare Damtie, oo ka tirsan hoggaanka jabhadda Fano, gaar ahaan garabka AFNF, ayaa sheegay in ay fashiliyeen hawlgallo la doonayay in lagu beegsado hoggaamiyeyaasha Fano ee ku sugan gobolka Gojjam.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya askar ka tirsan ciidanka dowladda oo lagu qabtay dagaallada Gojjam, inkastoo aan weli wax war ah kasoo bixin xukuumadda Abiy Axmed oo ku saabsan sheegashooyinka jabhadda Fano.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 05-01-1447-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -05-01-1447 Hijri.

Related Stories

Dab Ka Kacay Markab Xamuul Ah Oo Shixnado Kala Duwan Usoo Sidday Boosaaso.
  • Allposts
  • Warar

Dab Ka Kacay Markab Xamuul Ah Oo Shixnado Kala Duwan Usoo Sidday Boosaaso.

September 23, 2025
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -02-04-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -02-04-1447-Hijri.

September 23, 2025
Qarax Dhimasho Iyo Dhaawac Gaystay Oo Ka Dhacay Muqdisho.
  • Allposts
  • Warar

Qarax Dhimasho Iyo Dhaawac Gaystay Oo Ka Dhacay Muqdisho.

September 23, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 33 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 33 aad)

September 22, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 32 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 32 aad)

September 10, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 31 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 31 aad)

September 6, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 30 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 30 aad)

August 31, 2025

Sawirro

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarkii Degmada Ceeldheer.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarkii Degmada Ceeldheer.

September 12, 2025
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Furashada Mujaahidiinta Ee Degmada Ceeldheer.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Furashada Mujaahidiinta Ee Degmada Ceeldheer.

September 12, 2025
Sawirro: Inka Badan 320 Qof Oo Roobab Mahiigaan Ah Ugu Dhintay Pakistan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Inka Badan 320 Qof Oo Roobab Mahiigaan Ah Ugu Dhintay Pakistan.

August 17, 2025
Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.

August 9, 2025
Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.

August 5, 2025
Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.

August 4, 2025
Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.

July 25, 2025
Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.

July 20, 2025
Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.

July 15, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.

July 13, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.

July 8, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada