Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabab waxey Dagaallo Saf ballaaran ah ku qaadeen Deegaano ka tirsan Jubbada Hoose halkaasi oo Saldhiyo iyo Xarumo ay ka sameysteen Maleeshiyaatka Maamulka Gaala raaca isku magacaabay Jubbo Land.
Dagaaladan Safka ballaaran ah waxey Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ku qaadeen deegaanada Afmadow iyo Husingow oo ka wada Tirsan Jubbada Hoose, Waxeyna Ciidamada Mujaahidiinta si toos ah u beegsaday Saldhigyada iyo Difaacyada Maleeshiyaatka Murtadiinta ee Labadaasi Deegaan.
Dadka Deegaanadaasi waxey xaqiijiyeen in Dagaallada ay ahaayeen kuwoo culus islamarkaan ay jirto khasaara nafeet iyo mid hanyiyadeed oo Maleeshiyaatka Murtad Axmed Madoobe lagu gaarsiiyay dagaaladaasi.
Dagaaladan ka dhacay Jubbada Hoose waxey kusoo aadayaa xilli Saacadihii lasoo dhaafay Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin dagaallo culus ay ku qaadeen Saldhigyo ciidamada Kufaarta Afrikaanta ay ka sameysteen Degmada Baraawe iyo duleedkeeda ee Wilaayada Shbaeelada Hoose, Dagaaladdaasi oo khasaara kala duwan lagu gaarsiiyay askarta Shisheeyaha.
Calamada.com