Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey dagaallo culus ku qaadeen qaar ka mid ah saldhigyada ciidamada Kufaarta iyo kuwa Ridada ay ka kala sameysteen wilaayaatka Hiiraan, Sh/hoose, Jubbooyinka iyo Gedo.
Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in weerar hubaysan lagu qaaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Kenya waxaana ka dhashay khasaara dhimasho iyo dhaawac leh.
Ugu yaraan Askari Kenyaan ah ayaa dhintay markii ay xoogaga Al Shabaab dhowr jiho ka weerareen saldhigga ciidamada Kenya ay ka sameysteen degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.
Isla wilaayada Gedo weerar culus ayaa xalay fiidkii lagu qaaday saldhigga ciidamada KDF ee deegaanka Qooqaani gobolka Jubbada Hoose, sidoo kale weerar ayaa saaka aroortii lagu qaaday saldhigga ciidamada Xabashida Itoobiya ay ku leeyihiin Baardheere.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalyahannada Al Shabaab ay iska hor’imaad in mudda ah socday lagaleen ciidamada Itoobiyaanka ee saldhigga ku leh garoonka diyaaradaha Macmalka Baardheere.
Dhanka wilaayada Hiiraan waxey ciidamada Mujaahidiintu dagaal culus ku qaadeen saldhiga Ridada Jabuuti ee galbeedka degmada Buulo burte, Waxaa halkaas ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dadka deegaanku waxey xaqiijiyeen in dagaalka uu ahaa mid xoogan isla markaana ay jirto khasaara nafeet oo Ridada Jabuuti lagu gaarsiiyay dagaalkaas.
Dhanka Wilaayada Shabeelada hoose waxey ciidamada Mujaahidiintu weeraro culus ku qaadeen saldhigyada maleeshiyaatka Ridada ee degmada Jannaale iyo deegaanka Awdheegle waxaana jirta khasaara Murtadiinta lagu gaarsiiyay weeraradaas.
Dhanka Jubbooyinka waxey Mujaahidiintu dagaallo culus ku qaadeen saldhigyada Kufaarta Kenya iyo kuwa Ridada ee deegaanada Husingow iyo Yoontooy, Waxeyna dagaaladaas sababeeb khasaara kala duwan oo soo gaartay Saliibiyiinta iyo maleeshiyaatka Ridada.
Calamada.com