Ciidamada xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab waxay dagaallo culus ku mireen saldhigyo ay ciidamada shisheeye ku leeyihiin gobollo dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.
Xoogag jihaadi ah ayaa weerar fool ka fool ah ku qaaday saldhigga ciidamada Xabashida Itoobiya ay ka sameysteen garoonka diyaaradaha Baardheere ee gobolka Gedo.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen daryanka madaafiic iyo rasaas ay labada dhinac isdhaafsanayeen, weeraro kale ayaa lagu miray saldhig ay ciidamada Xabashidu ka sameysteen degmada Waajid ee gobolka Bakool.
Dhinaca kale dagaalyahanada Mujaahidiinta Al Shabaab waxay dhowr jiho ka weerareen saldhig ay ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ku leeyihiin deegaanka Lambar60.
Dhanka gobolka Baay waxaa weerar culus lagu qaaday saldhig ay maleeshiyaadka maamulka ‘Koonfur Galbeed’ ku leeyihiin degmada Diinsoor balse lama oga khasaaraha ka dhashay weeraran silsiladaha ahaa.