Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey Dagaallo Culus oo Saf Ballaaran ah ku qaadeen Saldhigyada Shisheeyaha iyo Maleeshiyaatka Murtadiinta ay ka kala sameysteen Deegaano ka kala tirsan Wilaayaatka Shabeelada hoose iyo Shabeelada dhexe ee Konfurta Dalka Somalia.
Dhanka Wilaayada Shabeelada dhexe waxey Ciidamada Mujaahidiinta dagaal culus ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Kufaarta Burundi ay ka sameysteen Deegaanka Biyo Cadde oo ka mid ah deegaanada hoostaga Degmada Mahadaay ee Wilaayada Shabeelada dhexe.
Dagaal culus ayaa ka dhacay Deegaanka waxaa jirta Khasaara kala duwan oo askarta Burundi lagu gaarsiiyay Dagaalkaasi.
Dhanka Wilaayada Shabeelada Hoose Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxey Dagaallo Saf Ballaaran ah ku qaadeen Saldhigyada Ciidamada Kufaarta Afrikaanta iyo Maleeshiyaatka Ridada ay ka kala sameysteen Deegaanada kala ah Ambareso, Ceel-siliini oo kala hoostaga degmooyinka Marka iyo Baraawe ee Shabeelada Hoose.
Dagaaladan ayaa wararka la helaya waxey sheegayaan in khasaara naf iyo Maal isugu jirta lagu gaarsiiyay Shisheeyaha iyo Maleeshiyaatka Somalida ah ee Kabo qaadka u ah Shisheeyahaasi.
Saacadihii lasoo dhaafay ayeey aheed Markii Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin dagaal culus ku qaadeen saldhiga Murtadiinta ee degmada Awdhiigle ee isla Wilaayada Shabeelada hoose, Iyadoo dagaalkaasi dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen Maleeshiyaat ka tirsan Dowladda Ridada Federaalka.
Calamada.com