Dagaallo xooggan ayaa ka qarxay dhowr jiho oo ka tirsan gobolka Niilka Buluugga oo dhaca koonfur-bari Suudaan, gaar ahaan dhulalka ku dhow xadka Itoobiya, sida ay xaqiijinayaan masaadir dhanka warbaahinta ah.
Ilo wareedyo maxalli ah oo ku sugan deegaanada koofur bari Suudaan ayaa sheegay in ciidamo wadajir ah oo ka kooban RSF iyo Xisbiga Dhaqdhaqaaqa Shacabka Waqooyiga ee uu hoggaamiyo nin lagu magacaabo Cabdulcasiis Al-Xilwu ay subaxnimadii maanta ee Axadda la wareegeen magaalooyinka Salk iyo Maklan, kaddib dagaal socday in ka badan 6 saacadood oo xiriir ah.
In ka badan toddobaad, ciidamada waxa loogu yeero Dhaqdhaqaaqa Shacabka iyo RSF ayaa waday weerarro ka dhan ah dhowr aag oo ka tirsan gobalka Niilka Buluugga.
Waxaa sidoo kale soo baxaya warar sheegaya in ciidamada dowladda ee Suudaan ay ciidamo dheeraad ah oo xoojin ah ay usoo direen gobalka.
Deegaannadan la sheegay inay la wareegeen maleyshiyaatka isuguyeeray xisbiga dhaqdhaqaaqa shacabka iyo RSF ayaa qiyaastii 90 kiiloomitir waxay u jiraan magaalada Damaaziin, taasoo iyaduna ku dhow ama 100 kiiloomitir xadka Itoobiya.
Aagga dagaalladu ka socdaan wuxuu ka dhigan yahay goobo istiraatiiji ah oo si toos ah looga ilaaliyo xarumo muhiim ah, gaar ahaan Biyo-xireenka Al-Ruseyris, oo ah mid aad muhiim ugu ah korontada iyo biyaha dalka Suudaan.
Sidoo kale, gobolka wuxuu leeyahay miisaan iyo mudnaan militari oo xoogan, maadaama uu isku xiro Suudaan, Itoobiya iyo Koonfurta Suudaan.
Cilmi-baare siyaasadeed oo lagu magacaabo Cammaar Najmudiin ayaa sheegay in marka la eego horumarka ciidan ee ka socda koonfurta Niilka Buluugga, Salk iyo Maklan ay noqdeen laba xarumood oo juqraafi ahaan go’aamiya jihada dagaalka.
In gacanta lagu dhigo labadan goobood ayuu ku sheegay in macnaheedu yahay in la xakameeyo waddooyinka isku xira Niilka Buluugga iyo gobolka Sannar.
Isagoo sii hadlaya hadlayay ayuu Najmudiin intaa ku daray in dabeecadda dhulka oo isugu jirta dhulbeereedk ballaaran, kaymo, iyo saameynta xilli-roobaadka ay yareyneyso waxtarka gaadiidka culus, waxayna tani hoorseed utahay in goobta dagaalka ay ubadasho mid daal-dheer ah, taasoo faa’iido u yeelaysa xoogagga sida ugu haboon ugu dhex milmay deegaanka, kuna dagaallama kharash hoose ayuu yiri.
Wuxuu sidoo kale xusay in qaybo badan oo koonfurta Niilka Buluugga ah ay yihiin goobo ay si adag u maamulaan xoogag maxalli ah, isla markaana kororka colaadda ee Salk iyo Maklan uu muujinayo walaac ay qabaan ciidamada dowladda oo ku aaddan soo ifbaxa isla eg cusub oo ka baxsan gacantooda.