Weeraro kala duwan oo isugu jira qarax iyo dagaallo toos ah ayaa ka kala dhacay Wilaayaatka Banaadir iyo Shabeelada hoose kuwaasi oo lala beegsaday maleeshiyaatka dowlada federaalka.
Dhanka magaalada Muqdisho waxey ciidamada Mujaahidiinta qarax la beegsaday maleeshiyaat ka tirsan kooxda Ridada kuwaasi oo ku sugnaa qeybo ka mid ah xaafada Daallo ee degmada Hodan.
Qaraxan ayaa sababay khasaara kala duwan oo naf iyo maal ah oo soo gaartay askarta Murtadiinta, Waxaa dhawaaqa qaraxa laga maqlay xaafadaha kala duwan ee degmada Hodan.
Dhanka Wilaayada Shabeelada hoose waxey ciidamada Mujaahidiinta dagaallo toos ah ku qaadeen saldhigyada maleeshiyaatka Murtadiinta ay ka kala sameysteen deegaanada Ceel-saliini iyo Buufow oo kala hoostaga degmooyinka Marka iyo Janaalle.
Wararkii ugu dambeeyay waxey xaqiijinayaan in tiro ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dagaaladaas.
Weeraradaan ka kala dhacay Wilaayaatka Banaadir iyo Sh/hoose ayaa kusoo aadaya xilli saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus oo khasaara lagu gaarsiiyay askarta Xabashida Itoobiya uu ka dhacay garoonka diyaaradaha degmada Baardheere ee Wilaayada Gedo.
Calamada.com