Wararka ka imanaya gudaha dalka Itoobiya ayaa sheegaya dagaallo lagu hoobtay oo maalmihii lasoo dhaafay ciidanka Xabashida Itoobiya iyo Jabhadda mucaaradka Oromada ku dhex-maray deggaanno ku dhow magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.
Ilo-wareedyo madax-bannaan ayaa ku warramay in ka badan 600 oo askari in ay ku dhinteen dagaalladan oo muddo labo usbuuc ah ka socday deggaanno wax ka yar 100 KM u jira caasimadda Addis Ababa.
Askartan faraha badan ee ku le’atay dagaalladan ayaa lasoo werinayaa inay isugu jireen ciidanka millateriga Itoobiya, Booliska iyo Liyuu Booliska Oromada oo isku dhinac ah iyo sidoo kale maleeshiyaadka Jabhadda mucaaradka Oromada ee loo yaqaan OLA.
Sida ay xogtu tibaaxayso dagaalladan ayaa badankoodu ay ka dhaceen deggaanno ka tirsan gobollada Waqooyiga, Bariga iyo Galbeedka Shawa, halkaas oo jabhadda Oromadu ay weerarro xooggan kula beegsatay ciidamada dawladda.
Saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka Xabashida Itoobiya ayaa la xaqiijiyey inay ku naf-waayeen dagaalladan, waxaana ka mida taliyihii ciidanka Liyuu Booliska Oromada oo magaciisa lagu sheegay Getachew Bezu.
Weerarradan ayaa kusoo aadaya xilli maamulka Abiy Axmed uu bilaabay raaf xooggan oo lagu ururinayo dhalinyarada, kuwaas oo si qasab ah loogu qorayo ciidamada. Iyadoo usbuucyadan u dambeeyeyna ay cirka isku sii shareertay xiisadda colaadeed ee ka dhex aloosan maamullada Itoobiya iyo Eretariya.
Si aad u hesho wararka deg degga ah la soco barteenna Telegram-ka. oo gujji linkigan ama👇👇