Dagaallo culus oo lagu jebiyay maleeshiyaadka maamulka ashahaada la dirirka Jubbaland, ayaa waxay gelinkii dambe ee maanta ka dhaceen duleedka magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose, halkaas oo khasaare lagu gaarsiiyay maleeshiyada Riddada.
Dagaallada oo ahaa kuwa culus oo u dhaxeeyay ciidamada mujaahidiinta iyo maleeshiyada Riddada, ayaa si gaar ah waxay uga dhaceen agagaarka deegaanka Baarka ee dhaca duleedka magaalada Kismaayo, halkaas oo tiroba saddex jeer lagu jebiyay maleeshiyaadka murtadiinta.
Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in markii maleeshiyaadka murtadiinta ah ee la jebiyay ay ciidamo ka tirsan mujaahidiinta firxadka maleeshiyadaasi ku beegsadeen weerar kale oo madaafiic ah, waxaana jiro khasaare soo gaaray maleeshiyaadka Riddada ee galabta lagu jebiyay agagaarka deegaanka Baarka.
Dhanka kale, howlgal qarax ah oo ciidamada mjaahidiinta caawa ka fuliyeen gudaha magaalada Baydhaba ee gobolka Baay, ayaa lala eegtay askar murtadiin ah oo roondo ku jirtay, waxaana jira khasaare soo gaaray cadowgaasi.
Isla Baay, waxay ciidamada mujaahidiintu weerareen xerada maleeshiyaadka murtadiinta kaga suganyihiin degmada Qansaxdheere, waxaana howlgalkaas inta la hubiyay lagu dhaawacay hal askari oo murtad ah.