Dagaallo culus oo lagu jabiyey maleeshiyada Riddada ayaa maanta waxay ka dhaceen duleedka degmada Warsheekh ee wilaayada Sh/dhexe, halkaas oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka murtadiinta ah ee la jebiyay.
Dhanka kale, howlgal qarax ah oo ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen degmada Dharkenley ayaa lala eegtay fariisin ciidan oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad dharcad ah, waxaana qaraxaasi ku dhintay inta la hubo ilaa laba askari oo murtadiin ah, halka uu ku dhaawacmay mid kale.
Sidoo kale ciidamada mmujaahidiintu waxay saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus oo toos ah ku mireen xero ciidan oo saliibiyiinta Yugaandha ay ka degganyihiin degmada Jannaale ee wilaayada Sh/hoose, faahfaahin intaa ka baxsan lama helin oo ku aaddan haddii uu jiro khasaare nafeed iyo mid hantiyeed oo gaaray kuffaarta.