Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo u dhaxeeyay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin iyo maleeshiyaadka murtadiinta, kuwaas oo maanta ka dhacay duleedka deegaanka Xawaadley ee wilaayada Sh/dhexe.
Dagaalladan oo ahaa kuwa culus oo lagu jebiyay maleeshiyada Riddada, ayaa Allaah fadligiis inta la xaqiijiyay waxaa lagu dilay 10 askari oo murtadiin ah oo saddex ka mid ah ay maydadkooda uga carareen goobta dagaalka, waxaana lagu dhaawacay 7 kale.
Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in xaaladda deegaanka Xawaadley ay caawa tahay mid deggan, waxaana ku sugan ciidanka mujaahidiinta, iyadoona maleeshiyaadkii murtadiinta ay firxadeen.