Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Daraasad Daboolka Ka Qaadday Awoodda Mujaahidiinta Iyo Fashilka Duullaanka Maraykanka Ee Soomaaliya.
  • Allposts
  • Warar

Daraasad Daboolka Ka Qaadday Awoodda Mujaahidiinta Iyo Fashilka Duullaanka Maraykanka Ee Soomaaliya.

March 1, 2025

Muddo-xileedka labaad ee Trump iyo Duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya ma kor bay u qaadaysaa ammaanka mise waxay sii kordhinaysaa khilaafka? Waa ibo-furka warbixin uu soo gudbiyey Machadka HORN International Institute for Strategic Studies oo sameeya cilmi-baarisyo madax-bannaan isla markaana falanqeeya arrimaha amniga, siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ah ee Geeska iyo guud ahaan Bariga Afrika, fadhigiisuna yahay magaallada Nairobi ee caasimadda Kenya.

Warbixintan oo salka ku haysa daraasad uu machadkani sameeyey ayaa ugu horreyn ka sheekaysay marxaladihii uu soo maray hawl-gallada ashahaado-la-dirirnimo ee muddada ka badan 30-ka sano uu Maraykanku ka waday dalka Soomaaliya iyo jabkii gaaray 1993-kii oo ay ku sifaysay warbixintu inay ahayd musiibadii ciidamada Maraykanka ku sandullaysay inay dib uga gurtaan dalka Soomaaliya.

Muddadaasi wixii ka dambeeyey hawl-gallada Maraykanku waxay u badnaayeen duqaynta diyaaradaha oo sii xoogaystay muddo-xileedkii hore ee Donald Trump. Waxaanu taliska Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaan AFRICOM uu fuliyay in ka badan 200 oo weerar intii u dhaxeysay 2017 ilaa 2021, kuwaas saddex jeer ka badan ayay tiri warbixintu, isu-geynta wadarta guud ee duqaymihii ay fuliyeen Madaxweyneyaashii soo maray Maraykanka ee Bush, Obama iyo Biden.

Machadku wuxuu sheegay in Amnesty International ay diiwaangelisay kiisas badan oo ku saabsan dad rayid ah oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerarradaasi, taasoo kor u qaadday welwelka ku saabsan xad-gudubyada ka dhanka ah waxa loogu yeero sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada.

Inkastoo la doonayay in weerarradaasi lagu wiiqo Al-Shabaab haddana weli lama hubo waxtarka habkan, sida laga soo xigtay Xarunta Afrika ee Daraasaadka Istiraatiijiga ah, taas bedelkeedana waxay warbixintu sheegtay in 17% ay kor u kaceen hawl-gallada ay fuliyaan xoogagga Al-Shabaab kadib bixitaankii ciidamada Mareykanka ee 2021.

Machadku waxa uu sidoo kale xusay in ku-tiirsanaanta duqeymaha cirku ay sii xumeysay caqabadaha amniga iyo walaaca bini’aadantinimo ee ka jira gobolka. Iyadoo intaasi ay dheer tahay soo noqoshada awoodeed ee xarakada Al-Shabaab taas oo madaxweyne Joe Biden ku qasabtay inuu dib u soo celiyo 500 oo askari oo Mareykan ah.

Warbixintu waxay soo hadal-qaadday soo laabashada Donald Trump, iyadoo su’aal gelisay waxa ka dhalan kara dibu cusboonaysiinta hawl-gallada millateri ee Maraykanku ka wado Soomaaliya oo ay sheegtay in mustaqbalka fog ay saamayn ku yeelan karto xasiloonida gobolka iyo xaaladaha bani’aadamtinimada.

Waxa kale oo warbixintu ka dhawaajisay in ay jiraan walaacyo laga qabo in xoojinta duqaymaha cirka ee Maraykanka ay ka dhalan karaan weerarro aargoosi ah oo ka imanaya xoogagga Mujaahidiinta, taas oo suuro-gal ah inay sii kordhiso qolqolatooyinka iyo colaadaha hareeyey gobolka.

Intaa waxa dheer ayay tiri warbixintu, in ururrada bini’aadantinimadu ay walaac xooggan ka muujiyeen xeeladaha millateri ee gardarrada ah oo ay sheegeen inay horseedi karaan dhaawacyo iyo barakac dheeraad ah oo ku yimaadda dadka rayidka ah.

Warbixintu waxa kale oo ay ka dhawaajisay in Maraykanku uu ku guul-daraystay duullaannadii iyo faro-gelintii uu toboneeyada sanno ku hayay dalka Soomaaliya. Taa bedelkeedana waxaa caddaatay ay tiri warbixintu adkaysiga ay muujiyeen mujaahidiinta Al-Shabaab. Iyagoo la qabsanaya xeeladahooda isla markaana ilaashanaya hab-socodka hawllahooda shaqo ee xooggan.

Muddo-xileedkii hore ee Donald Trump ayay warbixintu tusaale u soo qaadatay, waxaanay sheegtay in xilligaasi Maraykanku uu si weyn u kordhiyey hawl-galladiisa millateri balse dhammaantood ay kusoo idlaadeen hal bacaad lagu lisay.

Machadka HORN International Institute for Strategic Studies ayaa isagoo sii lafa-guraya warbixintiisan waxa uu sidoo kale carabaabay in Maraykanka iyo xulafadiisa midkoodna horumar la taaban karo aanu ka gaarin duqaymihii cirka iyo maal-gelintii barbar socotay ee ka dhanka ahaa mujaahidiinta Al-Shabaab.

Ugu dambayntii machadku waxa uu hoosta ka xariiqay sida loogu guul-daraystay hawl-galladii millateri ee muddada badan ka socday dalka Soomaaliya. Waxaanu gunaanadka cilmi-baaristiisan ku taliyey isla markaana uu tilmaamay in xalka lagu gaari karo oo kaliya qaab siyaasadeed oo ka maran awood ciidan.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Dhagayso Xalqada 1-aad Barnaamijka Xiisaha Badan Ee (Kani Waa Abuurita Alle).
Next: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -01-09-1446 Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -15-Ramadaan-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -15-Ramadaan-1447-Hijri

March 4, 2026
Wariisu-dowleyaal Is Casilay Iyo Lataliyihii Deni Oo Lagu Xiray Muqdisho.
  • Allposts
  • Warar

Wariisu-dowleyaal Is Casilay Iyo Lataliyihii Deni Oo Lagu Xiray Muqdisho.

March 4, 2026
Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Tartan Aqooneedka Andalus {Xalqada 14-aad}.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Tartan Aqooneedka Andalus {Xalqada 14-aad}.

March 4, 2026

Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026
Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.

January 14, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.

January 13, 2026
Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 12, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 10, 2026
Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.

January 9, 2026
Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.

January 5, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada