Dayax-madoobaad ayaa caawa laga arkay waddamada caalamka oo ay ku jirto Soomaaliya, caawa fiidkii ayaa mar qura laga war-helay Dayaxa oo qayb ahaan madoobaaday, waxaana xigay in laba marxalad kale uu maray ilaa uu inta badan madow noqday.
Goobaha laga dareemay Dayax-madoobaadku waxaa ka mid ahayd wilaayaadka islaamiga ah, halkaas oo masaajidda looga dareeray salaadda sunnada ah ee Khusuufka oo dadka muslimiinta ah loo jideeyay in marka xaaladdan oo kale dhacdo inay u istaagaan.
Dayax-madoobaadku waa mid ka mid ah aayadaha Allaah Subxaanahu watacaalaa, waxaana dadka muslimiinta ah la gudboon inay xagga alle u cararaan, oo badiyaan dikriga Allaah, ducada iyo Istighfaarta, Dayax-madoobaadka caawa la arkay ayaa si tartiib-tartiib ah u dhamaaday muddo saacado gudahood ah.