Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya camaliyaddii Istish-haadiga ee ciidamada mujaahidiinta la beegsadeen kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamada Kuffaarta Uganda, kuwaasi oo marayey duleedka deegaanka Sabiid ee hoostaga degmada Afgooye ee wilaayada Sh/hoose.
Khasaaraha dhimasho ee camaliyaddaasi kasoo gaaray kuffaarta Yugaandha waxay gaaraysaa ilaa labaatan askari oo ku dhimatay goobta camaliyaddu ka dhacday, halka ay ku dhaawacmeen 43 kale oo isla kuffaarta Uganda ah, kuwaas oo 10 ka mid ah ay garaab yihiin.
Maleeshiyaadkii Riddada ee la socday kuffaarta Africaanta waxaa camaliyadda kaga dhintay ilaa sagaal askari, halka 8 kalena ay dhaawacmeen, sidoo kale gaadiidka ku gubtay camaliyadda waa 3 gaari oo kala ah, gaari Tow ah, gaari Cabdibile ah iyo gaari Haartoob ah.
Halkan Ka Dhagayso Faahfaahinta.