Andalus Podcast, waa barnaamij toddobaadle ah oo ka baxa idaacadda islaamiga Al-andalus maalinkasta oo khamiis ah, waxaa marti ku ah shakhsiyad waayo joog ah oo umadda Soomaaliyeed u faa’iideyn kara tagtadii soo martay iyo waxyaabihii laga dhaxlay.
Dhanka kale barnaamijka waa mid aqon kororsi ah, waxaana lagu gorfeeyaa mawaadiic mugleh oo wax tar uleh umadda Soomaaliyeed.
Toddobaadkan waxaa barnaamijka lagu soo qaatay mowduuc muhiim ah, kaasi oo diiradda saaraya maxaasintii, taariikh nololeedkii iyo raadadkii wanaagsanaa ee uu ka tagay Sheekh Cabdulqaadir Kumaandoos, waxaa xalqadan marti ku ah Culimo, Mashaayikh iyo marti aqoon durugsan u lahaa Sh. Kumaandoos.
Halkan ka dhagayso xalqada maanta ama hoos ka dhagayso dhammaan xalaqaadka kale.