Andalus Podcast, waa barnaamij todobaadle ah oo ka baxa idaacadda islaamiga ah Al-Andalus maalinkasta oo khamiis ah, waxaa marti ku ah shaqsiyad waayo joog ah oo umada Soomaaliyeed u faa’iideyn kara tagtadii soo martay iyo waxyaabihii laga dhaxlay.
Dhanka kale barnaamijka waa mid aqon kororsi ah, waxaana lagu gorfeeyaa mawaadiic mugleh oo wax tar uleh umadda Soomaaliyeed.
Toddobaadkaan waxaa barnaamijka marti ku ah oo lagu wareystay Cali Aadan ilka-case oo ka mid ah bulshada ku dhaqan degmada Jilib, wuxuuna ka waramay sooyaalka iyo maraaxisha ay soo martay magaalada Jilib 30-kii sano ee lasoo dhaafay iyo sida shareecada Islaamku u beddeshay dhaqankii jaahiliga ahaa ee ka jiray magaalada.
Halkan ka dhagayso xalqada maanta ama hoos ka dhagayso dhammaan xalaqaadka kale.