Bogga Calamadu wuxu bilaabay in uu idiin soo gudbiyo diiwaan cusub oo ku saabsan gabayada Jihaadka ee ay baahiso idaacadda Al-andalus, gabayadaas oo abwaanadu ay ku cabirayaan jihaadka socda iyo taariikhdiisa.
Waxan idiin soo gudbin doonaa insha’allaah gabayo iyo maansooyiin tiro badan oo ay tiriyeen abwaano aad taqaanaan iyo kuwo kale oo ku cusub warbaahinta.
Gabayga 7aad ee aan idiin soo gudbinaynaa waa gabay uu tiriyay abwaan Muuse oo gabayadiisa aad ku dhagaysateen qaybihii hore ee diiwaanka gabayada, waxana uu tiriyay gabayo badan oo qiimo iyo qaayo leh. gabayga aan maanta idiin soo gudbinaynaana waa gabay uu ka tiriyay xasuuqii ku dhacay ciidamada Burundi dagaalkii Ceelbaraf.
Gabaygan oo dhawaan laga baahiyay idaacadda Alandalus wuxu is dul taagayaa dhibtii gaartay ciidankaasi saliibka watay ee ku soo duulay dadka, dalka iyo diinta intaba, kusoo dhawaada gabayga.
Halkan ka dhagayso: Diiwaanka Gabayada Idaacadda Andalus (Gabayga 7aad)