Duqayn cadowtooyo oo xalay fiidkii ka dhacday deegaanka Ceelbacad ee wilaayada Sh/dhexe ayaa sababtay dhimashada 3 qof oo dhammaantood ahaa dumar.
Goob joogayaal ayaa soo sheegay in diyaaradaha dowladda Xabashida Itoobiya ay illaa 7 fuusto oo lagasoo buuxiyay basiin ku dhufteen guryo dad shacab ah degganyihiin.
Guryaha fuustooyinka shidaalka sida lagu dhufay dhammaantood waa gubteen balse mid ka mid ah guryaha dadkii deganaa ayaa ku dhintay.
Nabadoon Macallin Muxumed oo ah afhayeenka golaha Nuqabada wilaayada Islaamiga Sh/dhexe ayaa sheegay in dadka dhintay ay ahaayeen hooyo iyo laba carruur ah oo ay dhashay isagoo faah faahin ka bixiyay sida ay wax u dhaceen.
Halkan Ka Dhagayso Codka Nabaddoon Macalin Maxamed.
Duqayntan waxaa xigtay mid kale oo dowladda saliibiyadda Itoobiya ay u adeegsatay fuustooyin shidaal ka buuxaan, kuwaas oo ay ku tuurtay suuqa magaalada Jilib ee wilaayada Jubbada dhexe iyo jaamacadda Al-qimmah.
Halkan Ka Dhagayso Warbixinta Duqaynta Itoobiya Ee Jilib.