Maleeshiyaadkii murtadiinta ee dagaalka looga saaray degmada Moqokori ee bariga wilaayada Hiiraan, firxadkana ku galay degmada Maxaas ayaa ku sugan xaalad kala carar ah, waxayna muujinayaan walaac daran oo ku aaddan in weeraro kale la kulmaan.
Murtad Kornayl Cali Dhuux oo ka mid ah saraakiisha kooxda Riddada Soomaaliya, sidoo kalena ku sugan degmada Maxaas ayaa isaga oo la hadlayay maleeshiyadiisa sheegay inay ka soo carareen deegaanno badan oo dhaca bariga wilaayada Hiiraan, kuwaas oo weeraro cagmarin ah looga saaray murtadiinta, halka kuwa qaarna ay isaga baxeen markii ay ogaadeen in lagu soo wajahan yahay.
Goobaha murtadiinta weerarada cagmarinta ah looga saaray waxaa ka mid ah degmada Moqokori oo uu murtadkan sheegayo inay kasoo carareen, wuxuu Kornayl Cali Dhux tilmaamay in hadda ay xaalad qoobgariir ah ku suganyihiin maleeshiyadii Moqokori dagaalka looga saaray ee ku sugan Maxaas.
Halkan Ka Dhagayso Catowga Murtad Cali Dhuux.