Afhayeenka ciidamada mujaahidiinta Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa shir jaraa’id oo uu warbaahinta u qabtay ku faahfaahiyay howlgalkii barakaysanaa ee maanta ciidamada mujaahidiintu ku xoreeyeen degmada Moqokori ee bariga wilaayada Hiiraan.
Sheekh Abuu Muscab ayaa xaqiijiyay in howlgalkii ciidamada mujaahidiintu ku xoreeyeen degmada Moqokori Allah fadligiis lagu dilay 47 murtad, kuwaas oo intooda badan maydadkooda looga cararay goobaha dagaalka, halka sidoo kalena lagu dhaawacay 65 kale, afhayeenka ciidanka mujaahidiinta ayaa dhanka kale farriin towbad keen ah u diray maleeshiyada murtadiita ee ka badbaaday howlgalka cagamarinta ah ee lagu xoreeyay Aadan, wuxuuna maleeshiyada usoo jeediyay inay Allaah u towbad keenaan iskuna dhiibaan maamulka islaamiga ah ee wilaayada Hiiraan.
Halkan Ka Dhagayso Shirka Jaraa’id Ee Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab.