Deegaanka Miir-taqwa ee wilaayada Sh/dhexe, waxaa kusoo gabagaboobay kulan wadarashi ah oo ay dowro sharci ah barbar socotay oo u dhaxeeyay maamulka islaamiga ah ee wilaayada Sh/dhexe iyo odayaasha beesha Abgaal ee degta Sh/dhexe.
Kulanka iyo dowrada oo socday muddo ka badan Isbuuc ayaa waxaa kasoo qayb galay ilaa 106 oday dhaqameed oo ka kala socday degmooyinka Sh/dhexe iyo masuuliyiinta maamulka wilaayada islaamiga ah ee Sh/dhexe oo uu ka mid yahay waaliga wilaayadaasi Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Kabakutukade.
Waaliga wilaayada islaamiga Sh/dhexe, Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Kabakutukade oo kalimad ka jeediyay kulankaa ayaa kula balamay beesha Abgaal Cismaan ee degta Sh/dhexe difaaca shareecada islaamka.
Halkan Ka Dhagayso Kalimadda Sheekh Kabakutukade.