Allaah ha u naxriisto’e, waxaa magaalada Kuunyo-Barrow ee wilaayada islaamiga Sh/hoose ku geeriyooday, Suldaan Maxamed Mayow Abuukar oo ahaa suldaankii beesha Hintire, sidoo kalena ahaa afhayeenkii golaha dhaqanka Wilaayada Islaamiga Sh/hoose.
Mid ka mid ah ehellada suldaanka oo la hadlay idaacadda islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa ka hadlay geerida ku timi suldaanka, wuxuu sheegay in uu suldaanku geeriyooday kadib markii uu si lama filaan naqaska ugu xirmay, cisbitaalna la geeyay, halkaas na uu daqiiqado kaddib ku dhintay.
Dhagayso Codka Mid Ka Mid Ah Ehelka Suldaan Mayow.
Alle ha u naxariistee suldaan Maxamed Mayow ayaa hadalkiisii u dambeeyay ka jeediyay xaflad heer sare ah oo ka dhacday magaalada Kuunyo-Barrow, taasi oo ay ku qalinjebinayeen ku dhawaad 100 arday o xifdisay Quraanka Kariimka.
Halkan Ka Dhagayso hadalkii u dambeeyay ee Suldaan Maxamed Mayow.