Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa baacsanaya firxadka maleeshiyadii Ridada ee ku jabay dagaalladii saaka ka dhacay deegaannada Daaru-nicma, Ceel Cali Axmed Iyo Cali Fooldheere, halkaas oo khasaare xooggan lagu gaarsiiyay Riddada.
Idaacadda islaamiga Al-andalus ayaa saaka oo Khamiis ah tabin toos ah ku sameynaysa howlgallada millatari ee ka socda deegaannada dhaca wilaayada Sh/dhexe, wariye Ismaaciil Salaad oo ka mid ah wariyeyaasha Andalus ayaa ka warbixiyay wararkii ugu dambeeyay weerarada cagmarinta ee saaka ka dhacay Sh/dhexe, saldhigyada la weeraray, deegaannada gacanta lagu dhigay iyo firxadka ay ciidamada mujaahidiintu ku daba jiraan.
Halkan Ka Dhagayso Wararkii Ugu Dambeeyay Weerarada Sh/dhexe.