Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Dhageyso Faahfaahin Ku Aadan Khasaaraha Ka Dhashay Duqeynta Degmada Saakow.
  • Allposts
  • Warar

Dhageyso Faahfaahin Ku Aadan Khasaaraha Ka Dhashay Duqeynta Degmada Saakow.

September 19, 2018

Diyaarado dagaal ayaa abaaro sagaalkii fiidnimo ee xalay duqeymo u geystay qaar kamid ah xarumaha adeegga bulshada ee degmada Saakow.

Si gaar ah waxay u beegsadeen isbitalka guud ee magaalada iyo Kollej lagu xanaaneeyo waxna lagu baro caruurta.

Mid kamid ah gantaaladii ay soo tureen ayaa waxa uu dilay sadax kamid ah caruurtii Kollejka iyadoo ay ku dhaawacmeen macallin iyo arday kale.

Qaar kamid ah bulshada magaalada ayaa saaka aroortii aasay sadaxda caruura ah iyadoo xaaladooda lala tacaalayo dhaawaca labada qof oo ah mid sahlan sida aan kasoo xiganay laamaha caafimaadka.

Odayaasha dhaqanka ee magaalada saakow ayaa saaka aroortii booqday xarunta caruurta lagu beegsaday iyo isbitalka, waxaana kamid ah nabadoo cali Cabdi kariin Cali.

Goobta uu gantaalka kula dhacay ardayda ayaa waxaa yaallay kitaab Qur’aan kaas oo aan indhaheyga ku arkay isagoo uu midabeeyay dhiiggii ka qubtay caruurta.

Inkastoo aanu burbur badan ka muuqanayn machadka ay caruurtu wax ku baranaysay, ayaa waxaa haddana hal qeyb oo kamid ah laga dareemayaa inuu saameyn ku yeeshay gantaalka lagu soo riday.

Sidoo kale dayuuradaha ayaa duqeyn ba’an u geystay isbitalka weyn ee magaalada Saakow.
Isbitalka oo ahaan mid muddo aad u fog usoo adeegayay bulshada degmadan ayaa waxay dayuuraduhu la beegsadeen gantaalada ugu badan.

Duqeyntan oo loo badinayo iney iska kaashadeen Mareykanka iyo Kenya ayaa waxay inteeda ugu badan asiibtay isbitalka weyn ee magaalada.

Ilaa sadax gantaal ayay la beegsadeen qeybaha ugu muhiimsan ee isbitalka waxaa ka dhashay khasaarooyin isugu jira burbur dhismaha intiisa badan ah iyo burbur qalabka iyo dawooyinka ah.

Halkan Ka Dhageyso Faahfaahinta Duqeynta.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Askarta Dowladda Oo Gabar Ardayad Ah Ku Dilay Magaalada Muqdisho.
Next: Akhriso Faahfaahin Ku Aadan Qarax Sarkaal Iyo Askar Lagu Dilay Oo Duleedka Kismaayo Ka Dhacay.

Related Stories

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 18-02-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 18-02-1447-Hijri.

August 12, 2025
Faahfaahinno Laga Helay Khasaaraha Ka Dhashay Dagaalkii Duleedka Beledxaawo.
  • Allposts
  • Warar

Faahfaahinno Laga Helay Khasaaraha Ka Dhashay Dagaalkii Duleedka Beledxaawo.

August 12, 2025
Wiil Darawal Ah Oo Lagu Dilay Magaalda Garoowe.
  • Allposts
  • Warar

Wiil Darawal Ah Oo Lagu Dilay Magaalda Garoowe.

August 11, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 25 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 25 aad)

July 26, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 24 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 24 aad)

July 18, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 23 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 23 aad)

July 13, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 22 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 22 aad)

July 5, 2025

Sawirro

Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.

August 9, 2025
Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.

August 5, 2025
Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.

August 4, 2025
Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.

July 25, 2025
Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.

July 20, 2025
Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.

July 15, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.

July 13, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.

July 8, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.

July 7, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.

July 6, 2025
Daawo Mujaahidiinta Oo Si Nabad Ah Kula Wareegay Deegaanno Ku Dhow Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Mujaahidiinta Oo Si Nabad Ah Kula Wareegay Deegaanno Ku Dhow Moqokori.

July 3, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada