Faahfaahino dheeraad ah Ayaa kasoo baxaya Qarax lala beegsaday Xildhibaan Cabdi Qaadir Caraboow kaasi oo si dirqi ah kaga badbaaday isku dayga la doonayay in isaga lagu dila.
Qaraxan waxaa ku dhintay Saddex Askari Afar kalane waa ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo ahaa Ilaalada gaarka ee xildhibaanka la beegsaday.
Sidoo kale tiro ka tirsan Maleeshiyaatka Dowladda Ridada Federaalka ayaa khasaara kala duwan uu soo gaaray kadib qarax lagula beegsaday goob ay kaga sugnaayeen Xaafadda Oodweyne ee Magaalada Muqdisho.
Dhanka Magaalada Baydhabo Sarkaal lagu magacaabo Nuur Axmaar oo ah Taliyaha Kontoolka Amxaar ee magaalada Baydhabo ayaa si xun ugu dhaawacmay Qarax lagula beegsaday Kontroolkaasi.
Halkan Ka Dhageyso Faahfaahinta Qaraxyadaasi.
Calamada.com