Kolanyo ka tirsan askarta dowlada federaaka gaar ahaan ciidanka ay sida gaarka ah u tababartay dowladda mareykanka ee la magac baxay bangaraf ayaa qarax lagula beegsaday deegaan ka tirsan wilaayada galgaduud ee bartamaha dalka soomaaliya.
Inta u dhaxeysa deegaanka ceeldheere iyo degmada dhuusamareeb waxaa qarax lagula beegsaday kolanyo maleeshiyaatka ridada ah kuwaas oo kasoo baxay magaalada gaalkacyo kuna sii jeeday degmada Matabaan.
Qaraxa ayaa haleelay gaari cabdi bile ah waxaana ku dhintay 9 askari halka saddex kale ay ku dhaawacmeen.
Halkan Ka Dhageyso Xogta Qaraxa.
Calamada.com