Culimaa’udiinka soomaaliyeed ayaa shacabka muslimiinta ku baraarujiyay fadliga Caashuraa oo ku beegan markii Allaah SWT uu Nabi Muuse iyo qowkiisa badbaadiyay islamarkaana lahalaagay Fircown.
Maalinta Caashuraa ee Fadliga badan waxay ku beegantahay maalinta isniinta oo taariikhdu 10-Muxarram 1441 kuna asteysan 9 September 2019, haddaba Muslimiintu waa in aysan hilmaamin maalintan Fadliga badan, waxaa banaan in hal maalin lagu daro soonka tobanka muxarram tusaale in lasoomo maalinta 9-ka muxarram kadibna lagu xajiyo 10-ka.
Sheekh Cali katiin ayaa kalimad kooban oo uu jeediyay uga hadlay fadliga soonka Caashuraa isagoona Soomaalida ugu baaqay in ay ka faa’iideystaan oo ay sunnada noolooyaan.
Halkan Ka Dhageyso Kalimadda Fadliga Soonka Yowmu Caashuuraa.