Ciidamada Shisheeye ee Duulaanka ku jooga Degmada Qoryooley ee Wilaayada Shabeelada Hoose ayaa si Xaasidnimo ah Madaafiic ugu garaacay Qaar ka mid ah Tuulooyinka Hoostaga Degmadaasi.
Mid ka mid ah Madaafiicdaas waxey ku dhaceen Tuulo lagu magacaabo Maaya Farax oo ay ku nool yihiin dad shacab ah oo isugu jira Beeraleey iyo Xoolo dhaqato
Madfac ayaa ku dhacay gabar yar oo Xilligaasi ku sugneed Beer Aabaheed uu leeyahay oo ku taala Tuulada halkaasi ayeeyna Gabidha ku dhimatay, iyadoona Madfaca uu gabadha Madaxa ka burburiyay.
Aabaha dhalay Gabadhaas oo lagu magacaabo Xuseen Shariif oo la hadlay Warbaahinta Islaamiga ayaa ka warbixiyay Madfaca Kusoo dhacay Tuulada iyo Musbiibada naxdinta leh ee isaga sida gaarka ah usoo wajahday.
Halkan Ka Dhageyso Warbixinta.
Calamada.com