Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha Ciidamada Kufaarta Burundi lagu gaarsiiyay Weerar qorsheysan oo ka dhacay Afafka hore Degmada Balcad ee Wilaayada Shabeelada Dhexe.
Dhimashada Askarta Burundi ee Weerarkan ayaa gaartay Afar iyo Toban askari waxa uu dhaawacana gaaray ilaa iyo Sideed askari oo wada Saliibiyiinta Burundi, Sidoo kale Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa weerarkan ku qabsaday tiro hub ah.
Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli Sidoo kale Saaka qarax ka dhacay Duleedka Degmada Balcad lagu dilay Mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Maamulka Gaala raaca isku magacaabay Hirshabeelle.
Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sii kordhiyay Weerarada ka dhanka ah Kufaarta iyo Murtadiinta ee ay ka fulinayaan Wadada dheer ee isku xirta Magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho.
Calamada.com