Dhulgariir aad u xooggan oo cabbirkiisu gaarayo 8.8 ayaa ka dhacay xeebaha Ruushka si gaar ah Jasiiradda Kamchatka, taasoo dhalisay muwjado tsunami ah ,wasaaradda Gurmadka Degdegga ah ee Ruushka ayana ku dhawaaqday xaalad deg deg ah .
Dhacdadan ayaa sidoo kale saameyn weyn ku yeelatay dalka Japan, halkaasoo ay laga saaray saareen shaqaalihii ku sugnaa lana joojiyay iyo shaqooyinkii ka socday xarunta nukliyeerka ee Fukushima,kadib markii ay gaareen mowjaddii ugu horreysay ee tsunami ah oo dhirirkeedu yahay 30 sentimitir, waxaana soo baxaya digniino sheegaya in mowjado kale oo xoogan dhaadirkoodu gaari karo 3 mitir ay ku dhici karaan xeebaha Japan ee ku teedsan Badweynta Baasifiga.
Hay’adda saadaasha hawada ee Japan ayaa dadweynaha ugu baaqday in ay ka fogaadaan xeebaha oo aysan u dhowaan badda ilaa laga qaadayo digniinta tsunami-ga. Sidoo kale, dalalka Mexico iyo Indonesia ayaa iyaguna soo saaray digniino la mid ah oo loogu talagalay dadka ku nool meelaha xeebaha ah.
Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale soo saartay digniino tsunami oo ku wajahan xeebaha galbeedka dalka, gaar ahaan gobollada California, Oregon, Alaska, iyo jasiiradaha Hawaii. Maamulka gurmadka degdegga ah ee Hawaii ayaa shacabka u sheegay in ay si degdeg ah uga guuraan deegaanada xeebaha, iyagoo uga digay mowjado lagu tilmaamay kuwa wax burburiya.
Dhulgariirkan ayaa noqonaya kii ugu xooganaa ee laga diiwaangeliyo gobolkaas tan iyo sanadkii 1952, waxaana sii kordhaysa cabsida laga qabo in uu dhulgariirkan horseedo saameyn ballaaran oo gaarta dhammaan dalalka ku teedsan xeebaha Badweynta Baasifiga.