Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya, ayaa sheegaya in dhu go’ lagu dhamaaday uu ka dhacay deegaan ka tirsan koonfurta dalkaasi, halkaas oo ay ku dhinteen inka badan 100 qof oo Itoobiyaan ah, halka dad badanna la la’yahay.
Wararkii ugu dambeeyay waxay xaqiijiyeen inay dhinteen 107 qof oo Itoobiyaan ah, hal dad kale oo badanna baadi-goob loogu jiro, kaddib dhul go’ laga soo diiwaan-geliyay magaalo lagu magacaabo Gamo oo dhacda koonfurta dalka Itoobiya.
Dhulka go’a ayaa lasoo wariyay in uu si gaar ah uga dhacay magaalo lagu magacaabo Gamo, wuxuuna ka dhashay roobab culus oo maalmihii u dambeeyay ka da’ayay aaggaasi, magaalada ay dhacdadu ka dhacday ayaa kutaal dhul buuraley ah oo weliba jilicsan.
Marka laga soo tago dadka ku le’day dhulka go’a waxaa nolol iyo geeri lagu la’yahay 127 kale, kuwaas oo baadi goob loogu jiro, dhul go’a ayaa si wayn u saameeyay dadka xoola dhaqatada iyo beerallayda ah ee ku dhaqan dhulka buuraleyda ah ee dhacdadu ka dhacday.