Markii ugu horraysay 8 sano kadib dibadbaxyo ballaaran oo ka dhan ah nidaamka Cabdi Fataax Alsiisi ayaa gilgilay inta badan magaalooyinka waaweyn ee wadanka Masar.
Fagaaraha weyn ee Meydaanu Taxriir bartamaha magaalada Al Qaahira ayay shacabku ku jarjareen sawirrada madaxweyne Alsiisi waxayna dalbanayeen in uu meesha ka baxo nidaamka Melleteriga wadanka.
Magaalada Dimyaat oo ay ku xoogganyihiin taageerayaasha madaxweyne Alsiisi ayay boqolaal kun dibad baxayaal ah isugusoo bexeen arrinkaas oo lama filaan ku noqotay ciidamada booliska iyo kuwa sirdoonka.
Baraha bulshada ayaa lagu faafiyay muuqaallo muujinayay dibad baxayaasha oo googoynaya sawirrada Alsiisi, majirin ciidamo melleteri ah oo shacabka xoog ku kala eryay sidii horay looga bartay.
Dibad baxyadan lagu diidanyahay nidaamka Alsiisi ee Masar ka bilaawday ayaa yimid kadib warbixinno uu shabakaaha bulshada ku faafiyay nin lagu magacaabo Max’med Cali oo ahaa qandaraasle lasoo shaqeeyay melleteriga wadanka wuxuuna daaha ka fayday musuq maasuqa iyo wax isdaba marinta uu ku kacayo nidaamka Al Qaahira.