Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar hubaysan oo shalay gelinkii dambe ka dhacay mid kamida degmooyinka gobolka Banaadir.
Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa xaafadda Arjantiin ee degmada Kaaraan ku dilay sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska dowladda Ridada Federaalka gaar ahaan qeybta Canshuuraha ee Minishiibiyada loo yaqaan, Waxeyna Mujaahidiinta Sarkaalkan ka toogteen qeybaha sare ee jirka.
Dhinaca kale rag hubaysan ayaa xalay gudaha magaalada Jowhar ku dilay askari katirsanaa ciidamada Booliska maamulka Hirshabelle, ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogaga weerarka gaystay ay horay usii qaateen qori AK47 ah oo uu watay askariga ladilay.
Dhanka Kale Qarax ayaa lala beegsaday Gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen Maleeshiyaat ka tirsan Dowladda Ridada Federaalka kaasi oo ka dhacay Inta u dhaxeysa Deegaanka Golaleey iyo Degmada Balcad ee Wilaayada Shabeelada Dhexe.
Qaraxan ayaa sababay khasaara kala duwan oo soo gaartay Maleeshiyaatka Murtadiinta iyo Gaarigii ay la socdeen.