Askari ka tirsan maleeshiyaatka dowladda Federaalka ayaa si bareer ah gudaha magaalada Muqdisho ugu dilay qof shacab ah.
Dilkan waxa uu ka dhacay agagaarka Kulliyadii hore ee Jaala Siyaad waxa uu askari ka tirsan maleeshiyaatka Murtadiinta si bareer ah u dilay wiil dhalinyaro ah oo wada ka ahaa Mooto Bajaaj.
Dilka ayaa yimid kadib markii wiilka dhalinyarada ah uu aboodi waayay bixinta lacag baad ah oo askairga Murtadka ah weydiistay, Waxa uu dilkan kusoo aadayaa xilli mudooyinkii dambe ay sii kordheen dilalka maleeshiyaatka dowladda Ridada u geysanayaan dhalinyarada ku xamaasha Moota Bajaajta.
Dhanka degmada Dhuusa mareeb ee bartamaha dalka Somalia waxaa ka dhacay dil loo geystay askari ka tirsan maleeshiyaatka dowladda Ridada federaalka.
Dilkan waxaa geystay askari kale oo isla maleeshiyaatka dowladda Ridada weeyna wada murmeen labada askari, Waxa uu dilkan kusoo aadayaa xilli maleeshiyaatka kooxda Ridada Somalia shaqo maalmeed ka dhigteen iney dhexdooda dagaalamaan oo ay iska dilaan askar iyo saraakiil.
Calamada.com