Diyaarad dagaal oo Turkigu leeyahay ayaa waaberigii hore ee saaka ku dhacday magaalo ku taal galbeedka waddankaasi, taasoo sababtay dhimashada duuliyihii waday, sida ay warbaahinta dowladdu xaqiijisay, iyada oo soo xiganaysa wasaaradda gaashaandhigga.
Wasaaraddu waxay sheegtay, in xiriirkii raadiyaha iyo xog-raadinta ee lala lahaa diyaaraddan dhacday oo nooceedu ahaa F-16, taas oo xalay ka kacday magaalada Balıkesir ee galbeedka Turkiga uu go’ay wax yar kadib markii ay hawada gashay.
Hawlgallo baadigoob iyo samatabixin ah ayaa la bilaabay, kuwaas oo fashil kusoo idlaaday kadib markii la burburka diyaaradda. Iyadoo ilaa hadda aanay dowladda daba-dhilifka ah ee Turkigu caddaynin sababta ay diyaaraddani u soo dhacday.
“Duuliyahayagii waa dhintay. Sababta shilka waxaa lagu ogaan doonaa marka ay baaritaan sameeyaan kooxda khubarada baarista shilalka,” ayay wasaaraddu tiri, iyadoo tacsi u dirtay qoyska uu ka baxay duulliyihii waday diyaaraddan burburtay.
Diyaaraddu waxay ku dhacday meel u dhow qayb ka mid ah waddada weyn ee u dhaxaysa magaalooyinka Istanbuul iyo Izmiir, iyadoo burburka diyaaraddu uu ku firdhay dhul ballaaran, sida uu qoray wargeyska Hürriyet.
Isla xalay, waxaa la soo weriyey diyaarad ay leedahay shirkadda Turkish Airlines oo Istanbul ka baxday kuna socotay Baqdaad, inay si deg deg ugu soo laabatay garoonka diyaaradaha Istanbul, markii ay waxyar ku jirtay hawada, lama sharrixin dhacdooyinkan isku soo beegmay.
Bishii Nofeembar, Turkigu wuxuu hakiyay duulimaadyadii diyaaradaha xamuulka qaada ee C-130 kaddib markii mid ka mid ah ay ku burburtay dalka deriska la ah ee Georgia, xilli ay kasoo laabanaysay Azerbaijan, taas oo ay ku dhinteen dhammaan dadkii saarnaa oo tiradoodu ahayd 20 askari.
Diyaarado kale oo F-16 ah, oo ay samaysay shirkadda Maraykanka ee Lockheed Martin, ayaa burburay bilihii la soo dhaafay. Iyado bishii Janaayo, diyaarad F-16 ah oo laga leeyahay Taiwan ayaa iyaduna ku dhacday badda xilli ay ku jirtay hawl-gal caadi ah.
Duuliyihii diyaaradda Taiwan lama hayo. Waxa kale oo xusid mudan in sidoo kale dalka Poland, isna diyaarad F-16 ah ka burburtay bishii lasoo dhaafay ee August, xilli ay tababar kaga jirtay bandhig cirka ah, taasoo galaafatay nolosha duuliyihii waday.