Wararka ka imaanaya xuduudda u dhaxayso dalalka Azerbaijan iyo Georgia, ayaa sheegaya in diyaarad ciidan oo lahayd dowladda Riddada ah ee Turkiga ay maanta ku burburtay halkaasi.
Wazaaradda difaaca ee xukuumadda Ankara waxay sheegtay in diyaaradda oo ah nooca C-130 ee daabusha xamuulka millatari ay maanta ku burburtay xuduudda labadaasi dal, waxay na intaas ku dartay in diyaaraddu ku jeeday Turkiga, kana timid dhanka Azarbayjaan.
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday caasimadda Ankara, ayaa sheegay in dadaallada lagu raadinayo haraadiga burburka diyaaradda xamuulka milatari ee maanta dowladiisa kaga dhacday xuduudda Azarbayjaan iyo Joorjiya ay ku guda jiraan.
“Waxaa si murugo leh igu soo gaaray warka ku saabsan dhicitaanka diyaaraddii xamuulka milatari ee nooga dhacday xadka u dhaxeeya Georgia iyo Azerbaijan, dadaalladeennu weli way socdaan, waxaana si wadajir ah ula shaqaynaynaa maamulka Georgia si loo helo haraadiga diyaaradda”. Ayuu yiri Erdogaan.
Muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada, ayaa muujinayay diyaaradda oo laba garab u kala jabtay oo dhulka kusii hoobanaysa iyo qiic ka baxayay, Turkigu si rasmi ah uma shaacin tirada dadka saarnaa diyaaraddan ciidan ee maanta dhulka soo dhacday.