Diyaaradaha dagaalka ee dowladda xabashida Itoobiya ayaa duqayn cadowtooyo oo ay maanta ka gaysteen degmada Galcad ee wilaayada islaamiga Galgaduud, waxay ku beegsadeen guri ay leeyihiin dad shacab ah, halkaasna ku dileen wiil yar oo 14 sano jir ah, halka ay ku dhaawaceen hooyo xaamilo ah.
Sidoo kale waxay diyaaradaha saliibiyiinta Itoobiya duqatnta ku burburiyeen guryo ay leeyihiin dadka shacabka ah, waxayna qayb ka tahay duqaymo xiriir ah oo diyaaradaha dagaalka ee saliibiyiinta xabashidu ka gaysteen degmada Jilib ee Jubbada dhexe, degmada Awdheegle iyo deegaanka Mubaarak oo Sh/hoose ka tirsan iyo deegaanka Ceel-bacad oo ka tirsan Sh/dhexe.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Duqaynta Itoobiya Ee Galcad.