Wararka ka imaanaya xeebaha magaalada Kismaayo ee xaruunta gobolka Jubbada hoose, ayaa sheegaya in dooni ganacsi oo laga leeyahay Hindiya ay saacadihii lasoo dhaafay ku gubatay biyahaasi.
Wararku waxay tilmaamayaan in doonidan ganacsi oo lagu magacaabo Fazle ay ka shiraacatay dekadda magaalada Kismaayo, halkaas oo ay maalmo ka hor ka dejisay rarkii ay sidday.
Ilo wareedyo ayaa sheegay in mar qura laga war helay dab ka kacay qaybta matoorka ee doonidaasi, waxaana doonta saarnaa 16 shaqaale, shaqaalaha ayaa markii ay dabku xakamayn kari waayeen ku qasbanaaday inay naftooda kala baxsadaan goobta, kuna boodaan biyaha badda, iyaga oo adeegsanaya jaakadda biyaha.
Markab kale oo isla shirkadda ka tirsan, ayaa lasoo wariyay in uu si deg-deg ah u gaaray goobta, si uu u badbaadiyo shaqaalaha, sawirro iyo muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay doonida oo uu dab xooggan ka kacay iyo dad sheedda sare ka daawanaya, markii ay awoodi waayeen in ay dabkaasi demiyaan.
Ilo wareedyo ayaa sheegay in doonida ganacsi ay gabi ahaanba ku gubatay biyaha badda Soomaaliya, doonida kasoo shiraacatay dekadda magaalada Kismaayo ayaa kusii jeeday magaalada Abuu Dubaay ee dalka Imaaraadka Carabta.