Magaalada Baydhaba ee xarunta maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee Koonfur-galbeed, waxaa maanta ka dhacday wax doorasho lagu sheegay oo uu muran iyo buuq ka taagan yahay.
Doorashada ka dhacday Baydhaba, ayaa xildhibaannimo loogu doortay mid ka mid ah xubnaha murtadiinta ee aadka ugu dhow Xassan Gurguurte, balse kursiga loo doortay ayaa ahaa mid uu ku fadhiyay xildhibaan kale.
Kursigan, ayaa la sheegay in maanta loo doortay Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo loo yaqaan (wasiir Tiktok), kaasi oo kooxda Riddada ee fadhigeedu yahay Muqdisho ugu magacaaban wasiirka dekadaha, kana mid ah dadka ku dhow Xasan Gurguurte.
Xildhibaanka kursigan ku fadhiyay oo lagu magacaabo Isxaaq Cali, ayaa soo hadlay, qoraal uu u diray xildhibaannada Riddada ayuu ku sheegay in kursiga uu ku fadhiyay ay ka dhaceen Xasan sheikh iyo kooxdiisa.
Qoraalka murtadkan ayaa nuxurkiisa u dhignaa sidan: “xildhibaannada waxaan idiin cadeynayaa anigoo ah xildhibaan Isaaq Cali Subag in kursigii aan ku fadhiyay ay iga dhacayaan Xasan sheekh iyo Team-kiisa”.
Arintan ayaa baraha bulshada ka dhalisay hadal-hayn ballaaran, waxaana tan lagu tilmaamay isku dhex yaac dhanka doorashada ah oo ka dhex jira Xasan sheikh iyo kooxdiisa, kuwaas oo sheegayay inay qabanayaan doorasho qof iyo cod ah, maantana guddigiisa Baydhaba ku qabtay doorasho dadban oo boob lagu sheegay.