Saacado kadib markii uu Donald Trump madaxweynaha Mareykanka uu soo saaray qorshe ku saabsan qaabka loosoo gaba gabaynayo dagaalka magaalada Qaza ayay soo dhoweeyeen intabadan dowladaha dawaaqiidda ah ee kajira wadamada caalamka islaamka.
Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen wasaaradaha arrimaha dibadda ee xukuumadah ugu cad-cad lashaqeynta Mareykanka iyo xulufadiisa reergalbeedka ayay ku sheegeen in ay ladhacsanyihiin qorshaha dhagarta ah ee Trump uu ku doonayo in lagusoo afjaro dagaalka ka socda jiidda Qaza. dowladahan dahadhilifyada ah ee bayaanka soo saaray ayaan marna dhaleecayn xasuuqa ay ciidamada Yahuuddu ka wadaan marinka Qaza taas bedelkeedna waxay Trump ku sifeeyeen hoggaamiye ay run ka tahay soo afjaridda dagaalka.
dowladaha dawaaqiidda ee taageeray tallaabada Mareykanku ku taageerayo kiyaanka Sahyuuniga waxaa kamid ah Pakistan,indonesia,Masar,Tukiga,Qadar,Aala Sacuud iyo Imaaraatka Carabta.
Qaraarka Trump ayaa dhigaya in magaalada Qaza laga bixiyo gacanta xoogagga muqaawamada Falasdiin kadibna maamulkeeda loogacan geliyo gummeystayaal burcad ah oo ay madax uyihiin Trump iyo Tooni ballayr R/wasaarihii hore ee ingiriiska.
Qaar kamid ah dowladaha dawaaqiidda ee ka jira caalamka Islaamka oo bogaadiyay qorshaha dhagarta Trump ee gacanta muqaawamada Falasiin looga bixinayo magaalada Qaza iyo muqaawamada oo fuliyay weeraro askar lagu dilay.