Xilli uu ababul dagaal oo xooggani uu ka dhex socdo dowladaha Eretriya iyo Itoobiya ayaa maamulka Asmara uu ku eedaysay xisbiga talada haya ee dowladda Xabashida Itoobiya, inuu wado olole aflagaado ah oo ka dhan ah dowladda Eretriya.
Wargeyska Borkena ayaa saacadihii lasoo dhaafay daabacay in Yemane Gebremeskel (Yameyn Gabramaaskal), oo ah Wasiirka Warfaafinta Eretriya ka jawaabay hadallo dhawaan kasoo yeeray maamulka Addis Ababa.
“Taageerayaasha xisbiga Abiy Axmed ee Barwaaqo, waxay u muuqdaan inay si maalinle ah ugu mashquulsan yihiin ol’ole ballaaran oo aflagaado iyo sumcad dil isugu jira oo ka dhan ah Eratariya.” Ayuu yiri wasiirka warfaafinta maamulka Asmara.
Wasiirku waxa uu eedaynta kasoo yeeraysa dhinaca maamulka Addis Ababa ku tilmaamay mid la doonayo in lagu sumcad-xumeeyo laguna carqaladeeyo horumarka Eretriya. Waxaanu isagoo tilmaamaya go’aanka Asmara uu yiri “Waxa yar oo annagu aanu leenahay kama tanaasuli doono maadaama aanaan damcin waxa dadka kale ay leeyihiin”.
Hadalka wasiirka ayaa yimid maalmo ka dib markii Xisbiga uu hoggaamiya Abiy Axmed uu dhawaan soo saaray bayaan tilmaamaya in Eratariya ay doonayso dagaallo aan dhammaad lahayn inay ka qarxaan gudaha Itoobiya, iyadoo tusaale loosoo qaatay dagaalkii boqolaalka qof ku dhinteen ee ka dhacay gobolka Tigreega ee waqooyiga Itoobiya.