Shir ay yeesheen dowladda Saliibiyadda Itoobiya iyo dowladda riddada ee Imaaraadka Carabta ayaa lagu soo warramayaa in lagu gorfeeyey xaaladaha taagan iyo xiriirka u dhaxeeya labadooda dhinac.
Guddoomiya guddida difaaca ee Imaaraadka Carabta ayaa kulan fool-ka-fool ah magaalada Abu Dubai kula qaatay safiirka Itoobiya u fadhiya waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.
Sida ay xogtu tibaaxayso shirkan ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin dibu-eegis ay ku sameeyeen iskaashiga ka dhexeeya Imaaraadka iyo Itoobiya iyo sidii loo sii xoojin lahaa.
Waxa kale oo la sheegay in labadan mas’uul ay ka wada hadleen xaaladaha ka taagan gobolka iyo dadaallada Imaaraadku ugu jiro sidii uu kaalin uga qaadan lahaa xoojinta maamulka Addis Ababa.
Safiirka Itoobiya ayaa isna dhankiisa caddeeyay in dalkiisu uu si buuxda u garab taagan yahay dowladda riddada ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta.
Sida laga war-qabo labadan dowladood ayaa door laxaad leh ku leh colaadaha ba’an ee ka holcaya Suudaan iyagoo dhanka kalena dedaal ugu jira sidii loo kala qaybin lahaa Soomaaliya.
Kulankoodan oo qabsoomay Isniintii shalay ayaa kusoo aaday xilli maanta oo Talaadaha madaxa maamulka gaallo-raaca Soomaaliland uu shir deg-deg ah oo aan caadi ahayn isugu yeeray golahiisa wasiirrada.
Shirkan iyo waxa looga hadlay warbaahinta looma soo bandhigin, balse wuxuu kusoo beegmay xilli aad loo hadal-hayo in murtad Cirro uu damacsan yahay in qalinka uu ku duugo heshiis rasmiya oo Itoobiya loogu gacan-gelinayo qaybo ka mida xeebaha waqooyi ee Soomaaliya.